Maamulka Puntland Oo Maanta In Ka Badan 2-Kun Oo Askari Ku Wareejisay Dowlada Federaalka(SAWIRRO)

19 total views, 1 views today

Maamulka Puntland Ayaa Maanta  2,500 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland Ku Wareejisay Dowlada Federaalka Soomaaliya Kadib Munaasabad Ka Dhacday  Magaalada Garowe.

Munaasabada Ciidankan Lagu Wareejinayay Ayaa Maanta Ka Dhacday  Garawe Ee Xarunta Maamulkaasi, Waxaana Munaasabada Goob Joog Ka Ahaa Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda Federalka, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Wasiirka Amniga Puntland.

Ciidamadan Maamulka Puntland Ee Maanta Lagu Wareejiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya Ayaa Si Rasmi Ah Uga Mid Noqonaya Ciidamada Dowlada Federaalka Gaar Ahaan Qaybtiisa 54aad.

Ciidamadan U Diiwaangashanaa Puntland Ee Lagu Wareejiyay Dowlada Federaalka Ayaa Qeyb Ka Ah  Qorshaha Isku Dhafka Ciidamada Soomaaliya, Waxaana La Filayaa Dhawaan In Sidoo Kale Maamulada Kale Ciidamadan Oo Kale Dowlada Federaalka Ku Wareejiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.