Maamulka Puntland Oo Ka Hadallay Falkii Lagu Dhaawacay Wasiiru Dowlaha Dekedaha ….

25 total views, 2 views today

Taliye Ku Xigeenka Qeybta Booliska Ee Gobolka Bari Gaashaanle Dhexe Axmed Jaran Oo La Hadlay Idaacadda Shabelle Ayaa Ka Warbixiyay Falkii Lagu Dhaawacay Wasiiru Dowlaha Dekedaha Ee Puntland Axmed Saciid Cabdi Oo Shalay Lagu Dhaawacay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Ganacsiga Maamulkaasi.

Waxaana Uu Sheegay In Falkaasi Uusan Ahayn Mid Kas Ah, Islamarkaana Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Puntland Rasaas Ay Waddo Ku Furanayeen Uu Dhawaac Ka Soo Gaaray Wasiirkaasi.

Axmed Jaran Taliye Ku Xigeenka  Booliska Ee Gobolka Bari Ayaa Hoosta Ka Xariiqay In Wadaan Baaritaano Ku Aadan Dhacdadaasi, Waxaana Uu Ka Gaabsaday, Haddii Ay Jiraan In Askar Loo Soo Qabtay Falkaasi.