Maamulka Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Dad Geystay Falal Amnidarro

20 total views, 2 views today

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Maamulka Puntland Ayaa Manta Waxa Ay Faah Faahin Ka Bixiyeen Howlgallo La Xiriira Dhanka Amniga Kaas Oo Laga Sameeyey Magaalada Garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli) Ayaa Sheegay In Howlgalka Intiisa Badan Ay Ku Beegsanayeen Dhalinyaro Xiliyada Habenkii Ah Dadka Dhici Jiray,Kuwaas Oo Adeegsan Jiray Midiyo Ama (Tooreey)

Isaga Oo Maanta Shir Jaraa’id Warbaahinta Ugu Qabtay Magaalada Garoowe Ayuu Sheegay In Howlgalladii La Sameeyay Lagu Soo Qabtay Dhalinyaro Lidi Ku Ahaa Amniga Magaalada Kuwaas ,, Geystay Dhibaato Ay Ka Mid Tahay Kufsi Halka Kuwo Kale Ay Ku Howlanaayeen Dhaca Shacabka Magaalada Garoowe.

Ugu Dambeyn Wax Auu Sheegay In Uu Howlgalka Sii Second Oono,Isaga Oo Uga Digay Dhalinyaarda Falalka Amnidarro Ka Wada Magaalada In Ay Joojiyaan Hadii Kale Tallaabo Laga Qaadio Doono.