Maamulka Puntland Oo Beenisay In Mas’uul Ay Ka Tahay Xirnaanshaha Suuqa Boosaaso…

22 total views, 1 views today

Wasiirka Dekeddaha Iyo Gaadiidka Badda Ee Maamulka Puntland Saciid Maxamed Raage Ayaa Beeniyay In Maamulka Puntland Uu Mas’uul Ka Yahay Xirnaanshaha Suuqa Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Waxa Uu Sheegay Wasiirka In Ganacsatada Puntaland Iyagu Mas’uul Ka Yihiin Xirnaashaha Ganacsiga Boosaaso Maadama Dadka Ay Ku Dalaceen Lacago Iyagoo Ku Andacoonaya In Canshuur Lagu Kordhiyay Taa Oo Uu Wasiirka Gaashaanka U Daruuray.

Saciid Maxamd Raage Wasiirka Dekeddaha Iyo Gaadiidka Badda Ee Puntland Ayaa Hoosta Ka Xariiqay In Ganacsatada Aan Laga Aqabaleyn In Dooman Raran Ay Iska Dhax Yaalaan Dekedda.

Maalmihii Lasoo Dhaafay Waxaa Xirnaa Ganacsiga Suuqa Magaalada Boosaaso Xirnaanshahaas Oo Ganacsata Ay U Sababeeyeen Lacago Canshuur Ah Oo Lagu Kordhiyay Shixnadihii Ay Kala Soo Degi Lahaayen Dekedda Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.