Maamulka KG oo sheegay in ay caruur ka soo furteen Al Shabaab

18 total views, 1 views today

Maamulka Koofur galbeed ayaa ka warbixiyay caruur ay sheegeen in Al-shabaab ay Askareen rabeen oo ay ka soo furteen.

Waxaa caruurtaas la geeyay xero ciidan oo dhaqan cilin loogu sameynaayo oo ku taala magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuurdiin Yuusuf Abuukar ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka soo furteen 5 caruur ah oo da’adooda ay ka yartahay ilaa 15 sanno.

Nuurdiin ayaa tilmaamay in caruurtaas Al-shabaab ay ka wateen duleedka magaalada Baydhabo isla markaana ay geeyeen deegaanka Labaatan Jirow oo dhan koofureed kaga beeggan magaalada Baydhabo halkaas oo ay ku taba barayeen caruurtaasi.

Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in aysan u dulqaadan doonin in Al Shabaab caruurta ay askareeyaan.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan warkii ka soo yeeray Maamulka Koonfur Galbeed.