Maamulka Hir-Shabeelle Oo Joojiyay Munaasabad Caleemo Saar Ah…

1,113 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Amar Kasoo Baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Ayaa Waxaa Lagu Joojiyay Caleema Saarka Mid Kamid Ah Nabadoonada Gobolka Shabeellaha Dhexe Taas Oo Dhici Laheyd Maalinta Berito Ah.

Warqad Caawa Ka Soo Baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose Ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle Ayaa Shaaciyay In Lagu Joojiyay Xaflada Caleemo Saarka Nabadoonka Beesha Cabdalla Agoonyar Gaabane

Sababta Loo Joojiyay Ayaa Lagu Sheegay In Loo Arkay In Caleemo Saarkaas Dadka Qaarkood Ay Siyaasadeeyeen,Isla Markaana Maamulka Hir-Shabeelle Uu U Arkay Inay Keeni Karto Amnidarro.

Maalinta Sabtida Ah Ee Soo Socota Ayaa Lagu Balamay In Xafiiska Maamulka Ee Magalada Jowhar In Lagu Yeesho Kulan Looga Tashanayo

Hoos Ka Akhriso Wareegtsda Lagu Joojiyay.