Maamulka Gobolka Hiiraan oo digniin udiray dadka umaxkamad doonta Al-Shabaab.

15 total views, 1 views today

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray digniino ku adan dadka umaxkaamd doonta deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa sheegay iney talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan dadka taga deegaanada Shabaab ay ka joogaan Hiiraan, si ay ugu soo xukumaan arimaha dhulalka iyo sidoo kale dacwadaha kale ee dilalka la xiriira.

Meelaha loo dacwad tago ayuu sheegay iney qeyb ka tahay Maxkamado Shabaab ay ku leeyihiin deeganada Quracleey iyo Booco, Gobolka Hiiraan ayuu sheegay iney ka jiraan Maxkamadaha Madaniga iyo tan Ciidamada.

Waxa uu Afhayeen Maxamed Nuur Dabaashe sheegay in dadka lagu soo dacweeyo Shabaab, wixii soo gaara ay masuuliyadooda qaadayaan dadka soo eedeeyaa oo aan laga aamuseenin arimahaas.

Waxa uu soo qaatay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu sheegay iney ku hanjabeen iney umaxkamad doonanayaan Al-Shabaab, arinkaas ayuu ku tilmaamay iney tahay mid masiibo ah oo aan loo baahneyn xiligan.

Digniin taa la mid ah waxaa horay usoo saaray Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Sh.Dhexe oo sheegay iney la xisaabtamayaan dadka aada deegaanada Shabaab, si ay maxkamado uga soo helaan.