Maamulka Galmudug Iyo Ahlu Sunna Oo Ku Wada Hadlaya Dalkabax San Soamliya….

18 total views, 1 views today

Maamulka Galmudiug iyo Maamul ay leeyihiin Ururka Ahlu Sunna ee ka taliya qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa in wada hadal uga furmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynah Maamulka Glamudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Hogaamiyaha Maamulka Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa labaduba hada ku sugan magaalada Nairobi oo la filayo in lagu wada hadal siiyo.

Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu soo waramayaa in wada hadalka labada dhinac garwadeyn ka yihiin, waxaana la filayaa in labada dhinac kawada hadlaan arimo badan xalna laga gaaro is fahmi waaga u dhaxeeya.

Arimaha ay kawada hadli doonaan Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa waxaa kamid ah sidii maamulka Galmudug loo balaarin lahaa qeybna uga noqon laheyd Ahlu Sunna, waxaana laga wad hadli doonaa in Ahlu Sunna xilal sare ku yeelato Baarlamaanka iyo Wasiirada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo marar badan isku dayday in heshiis dhax dhigto Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa ku guul dareesatay, waxaana hada Indhaha lagu hayaa waxa kasoo bixi kara wadahadalkan cusub.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.