Maamulka Chelsea Ayaa Ka Qaldan Antonio Conte, Maxaa Yeelay 3da Xiddig Ee Loo Keenay Isagu Ma Uusan Dalban!

20 total views, 1 views today

Maamulka Kooxda Chelsea Ayaan Ku Garab Istaagin Tababare Antonio Conte Qorsheyaashiisa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda, Maadaama Aysan Usoo Iibin Seddaxdii Ciyaaryahan Ee Uu Ka Doonayey Suuqa Kala Iibsiga Bishii Jannaayo.

Blues Ayaa Usoo Iibisay Tababare Conte Xiddigaha Ross Barkley, Emerson Iyo Olivier Giroud Kuwaasoo Lagu Qarash Gareeyey Adduun Lacageed Dhan 50 Milyan Oo Ginni.

Laakiin Tababaraha Reer Italy Ma Uusan Calaameysan Xiddigahaan. Wuxuuna Doonayey Seddax Ciyaaryahan Oo Kale, Kuwaasoo Uu Aaminsan Yahay Inay Chelsea Ka Caawin Kareen Hanashada Horyaalka England Premier League Ama Inay Boos Sarre Ku Dhammeystaan.

Majaladda The Guardian Ayaa Sheegeysa In Tababare Conte Uu Maamulka Chelsea Ka Dalbaday Inay U Keenaan Xiddigaah Virgil Van Dijk, Alexis Sanchez Iyo Alex Sandro – Balse Bedelkeeda Waxaa Loo Keenay Ross Barkley, Emerson Iyo Olivier Giroud.

Van Dijk Iyo Sanchez Ayaa Ku Kala Biiray Kooxaha Liverpool Iyo Manchester United – Halka Chelsea Ay Bixin Weysay Qiimihii Ay Juventus Duldhigtay Madaxa Daafaca Dambeedka Bidix Ee Reer Brazil Sandro.