Maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Maanta Ka Dhacaya Magaalada Muqdisho

????

23 total views, 1 views today

Munaasabadda Lagu Xusayo 74-Guuradii Ka Soo Wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ayaa Maanta Ka Dhacaya Qeybo Ka Mid Ah Dalka, Iyadoo Munaasabadda Ugu Weyn Ee Ee Dabaal Dega Ah Ay Ka Dhaceyso Magaalada Muqdisho.

Ammaanka Magaalada Muqdisho Ayaa Xalay Illaa Saaka Si Aad Ah Loo Adkeeyay, Iyadoo Waddooyin Dhowr Ah La Xiray, Munaasabadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Awgeed.

Madaxda Dowladda Ayaa Ka Qeyb Galaya Munaasabadda Lagu Xusay 74-Guuradii Ka Soo Wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Ku Beegan 20-Ka December.

Sanadkii 1943 Ayay Aheyd Markii La Aas Aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Lagu Tilmaamo Inay Tahay Hooyada Ciidanka, Waxaana Inta Ay Socoto Xaflada Iyo Dabaal Dega Ay Ciidamada Sameyn Doonaan Dhoolatusyo Iyo Gaada Ka Ciyaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.