Lionel Messi Oo Sharaxay Sida Ronaldinho Ugu Caawiyay Qolka Labiska

19 total views, 1 views today

Lionel Messi Ayaa Hogaaminaya Xidigaha Ugu Hambalyeeyay Ronaldinho Oo 37 Jir Kaga Fariistay Kubadda Cagta Arbacadii Lasoo Dhaafay.

Messi Ayaa Sheegay Inuu Wax Badan Ka Bartay Ronaldinho Waayihii Barcelona, Isagoo Bartiisa Twetter-Ka Qoraal Kusoo Post-Gareeyay.

Xiddiga Reer Argentine, Oo Loo Arko Inuu Yahay Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Fiican Kubada Cagta, Ayaa Si Joogta Ah Ugu Yeeshay Saameyn Intii Uu Joogay Ronaldinho Kooxda Barcelona.

“Sida Aan Marwalba Sheego, Waxaan Ka Bartay Wax Badan, Markasta Waan Ku Faraxsanahay Sida Wanagsaneyd Ee Aad Ii Caawisay Markii Aan Kusoo Biirayay Qolka Libiska Barcelona.

Si Aad Ah Ayaan Ugu Faraxsanahay Waxaad Ii Muujisay, Sababtoo Ah Marka Laga Reebo Dhinaca Kubada Waxaad Tahay Qof Aad U Wanaagsan, Waana Tan Ugu Muhiimsan.”

Xitaa Haddii Aad Go’aansato Inaad Ka Baxdo Kubadda Cagta, Lama Ilaawi Doono Dhoola-Cadeyntaada Ayuu Yiri Messi.

Dhinaca Kale Neymar Iyo Ronaldinho Oo Hal Koox Nasiib U Yeelan Inay U Wada Ciyaaraan, Ayaa Wada Galay Garoon Xilligii Uu Neymar Joogay Santos Ronaldinhana Uu Joogay Atletico Mineiro.

Labada Ciyaaryahan Ayaa Si Wadajir Ah Ugu Ciyaaray Qaranka Brazil Inkastoo Aysan Waligood Xiriir Toos Ah Yeelan.

Neymar Oo 25-Sano Jir Ah Ayaa Bartiisa Twetter-Ka Kusoo Post-Gareeyay Qoraalkaan”Waa Sharaf Inaan Ka Mid Noqdo Sheekadaada, Waxaan Mar Walba Xusuusnaan Doonaa Farxaddaada Garoonka Dhexdiisa, Waxaad Ka Tagtay Dhaxal Aad U Adag In Lagu Gaaro Farshaxanka Kubadda Cagtow… Wax Walba Waad Ka Sameysay Ayuu Neymar Yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.