Laba Sabab Oo Ka Hortagan Edin Džeko Inuu Xirto Maaliyada Chelsea

17 total views, 1 views today

Antonio Conte Ayaa Doonaya In Dzeko Iyo Saaxiibkiisii ​​Kooxda Roma Emerson Palmieri Oo Ku Fadhiya 50 Milyan Oo Ginni Kusoo Biiraan Chelsea Ka Hor Inta Uusan Xirmin Suuqa Kala Iibsiga.

Laakiin Tababaraha Blues Ayaa Ku Dhibtoonaya Inuu Heshiis Rasmi Ah La Meel Dhigo Dzeko Sabab La Xiriirta Qoyska Ciyaaryahanka Oo Aan Dooneyn Inay U Guuraan London Ka Dib Markii Ay Guri Ka Iibsadeen Italy.

Isagoo La Hadlayay Saxaafada Horaantii Isbuucaan, Agaasimaha Isboortiga Roma Monchi Ayaa Sheegay In Kooxda Ay Albaabka U Fureyso Dzeko, Laakiin Weli Aan Dalab Rasmi Ah Laga Soo Gudbin.

“Xilligan La Joogo Ma Jeclin Dalabyada Aan Helnay, Sidaa Darteed Weli Majiraan Wax La Isla Meel Dhigay,” Ayuu Yiri Agaasmiaha Roma.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Chelsea Ayaa Diyaar U Ah Inay Kaliya Qandaraas 18 Bilood Ah Siiso 31 Jirka Weerarka Ka Ciyaara Ee Dzeko.

Arinta Ugu Weyn Ee Hortaagan Dzeko Inuu Ku Biiro Chelsea Ayaa Ah Qoyskiisa Oo Aan Jecleyn London Iyo Qandaraaska Gaaban Ee Ay Usoo Bandhigayaan Bules.