La Taliyaha Ammaanka Qaranka Ee Madaxweynaha Oo La Magacaabay…

22 total views, 1 views today

Cabdi Saciid Maxamed Cali Oo Ah Aqoonyahan Ayaa Loo Magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka Ee Madaxweynaha, Kaddib Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Warqaat.Com Ayaa Ogaatay In Cabdi Saciid Loo Magacaabay Xilkan, Waxaana Markii Ay Soo Shaac Baxday Magacaabidiisa Ku Shaaciyay Bartiisa Twitterka Ergeyga Qaramada Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating Oo Kulan La Qaatay.

Xiriir Aan La Sameynay Ayuu Inoogu Xaqiijiyay Mr Cabdi Saciid In Xilkan Loo Magacaabay, Waxaa Ahaa La Taliyaha Wakiilka Gaarka Ah Ee Midowga Yurub Ee Geeska Afrika, Sidoo Kale Waxa Uu Ka Soo Shaqeeyay IGAD Iyo Meelo Kale.

Cabdi Saciid Ayaa Dowladdii TFG-Da Ee Lagu Soo Dhisay Dalka Kenya Sanadkii 2014, Waxaa Uu Ahaa La Taliye Dhinaca Farsamada, Waxaa Uu Sidoo Kale Dowladda Uu Isku Xire Uu Ka Ahaa Hey’ado Badan Oo Caalami Ah.

Mr Cabdi Saciid Ayaa Ku Dhashay Magaalada Jowhar  Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Waxaa Uu Ku Hadlaa Luqadaha English, Talyaaniga, Jarmalka, Iyo Dutch.

Halkan Ka Akhriso Taariikhdiisa   

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.