Kumaandoosta Soomaaliya Oo Dilay Kuxigeenkii Madaxa Qaraxyada Shabaab iyo Ciidan Badan

13 total views, 1 views today

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee Amisom ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Tooratorow ee gobolka shabellaha hoose

Ciidamadda Al-shabaab ayaa ku xooganaa degaanka Tooratorow balse weerar qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa amisom ayaa lagu dilay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan isla markaasine ay ciidamada ka fuliyeen degaanka Tooratorow ee gobolka shabellaha hoose

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya iyo Amisom ayaa la sheegay in xiliga ay weerarka fulinayeen Al-shabaab ay ku guda jireen qaadista lacago baad ah oo ay ka qaadayeen gaadiidka isticmaala Tooratorow iyo degaanada u dhaw

Ku dhawaad shan askari oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgalka halka sidoo kale lagu dilay laba sarkaal uu mid ka mid ah uu dhaawac isagoo ah ay ciidamada hore ay usoo wadteen

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliya waxa ay xaqiijiyeen in sarkaalka dhaawaca uu soo gaaray in lagu magacabo Iqri Cubeyd isla markaasine heesto dhalashada wadanka suudaan

‘Iqri Cubeyd ayaa ahaa  ku xigeenka qaraxyada Al-shabaab u qaabilsan

Ugu dambeen saraakiisha ciidanka  waxa ay sheegeen in sawirrada iyo magaca sarkaalka dhintay ay usoo gudbin doonaan warbaahin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.