Kooxo Hubeysan Oo Wiil Dhalinyaro Ahaa Ku Dilay Afgooye

19 total views, 1 views today

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Rag hubeysan Xalay Fiidkii hore degmada Afgooye ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn looga yaqiinay gudaha degmadaasi.

Goobjooge la hadlay Warqaat.Com ayaa sheegay in Wiilkaasi lagu dilay afaafka hore Masjid ku yaalla Xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi Afgooye

Waxaana uu tilmaamay Goobjoogahan in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.