Kooxo Hubeysan Oo Saakay Macalin Ku Dilay Degmada Dharkenleey…

22 total views, 1 views today

Kooxo Ku Hubeysnaa Bustoolado Ayaa La Sheegayaa In Aroornimadii Hore Ee Saakay Ay Dilka Geysteen Gudaha Degmadaas.

Dadka Deegaanka Ayaa Waxa Ay Shabakada Warqaat.Com U Sheegeen In Shaqsiga La Dilay Uu Ahaa Macalin Iskuul Balse Aysan Ogeyn Sababta Loo Dilay Iyo Shaqooyin Kale Uu Qaban Jiray.

Xiliga Dilka Uu Dhacayay Ayaa La Sheegay In Uu Ku Sii Jeeday Goobtiisa Shaqo,Balse Markii Dambe La Toogtay.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Ammaanka Soomaaliya Ayaa Goobta Gaaray Kuwaas Oo Baaritaano Kooban Ka Sameeyay Wallow Aysan Ku Guuleysan In Ay Qabtaan Dadkii Ka Dambeeyay Dilkaas.

Sidoo Kale Maamulka Degmada Dharkenley Kama Hadlin Dilkaas,

 

WIXII KASO KORDHA KALA SOCO SHAKADA WARQAAT.COM