Kooxda Real Madrid Oo £500 Milyan Ku Bixineysa Saxiixa Seddex Xiddig Oo Ka Ciyaarta Horyaalka Ingiriiska..

29 total views, 1 views today

Real Madrid Ayaa Qarka U Saaran Inay Soo Xerogeliso Harry Kane, Eden Hazard Iyo Mid Ka Mid Ah David De Gea Ama Thibaut Courtois, Sida Ay Qortay Jariirada Daily Mail.

Intaa Waxaa Dheer In Los Blancos Qorsheyneyso Inay Ku Bedesho Zinedine Zidane Tababare Mauricio Pochettino Haddii Ay Champions League Kasoo Reebto Kooxda Paris Saint-Germain.

Warbixinta Ayaa Sheegeysa In Florentino Perez Uu Ka Careysan Yahay Xaalad Adag Ee Madrid Kujirto, Waxaana Uu Qorsheynayaa Inuu Xagaaga Dambe Soo Iibsado Neymar

Warbixinta Ayaa Sidoo Kale Lagu Sheegay In 114 Milyan Oo Euros Barcelona Kula Soo Wareegi Dooonto David De Gea, Haddii Ay Ku Guul Darreystaan Saxiixa Thibaut Courtois Oo Bartilmaameedka Koowad U Ah.

Harry Kane Ayaa Kusoo Biiray Kooxda Tottenham Ka Dib Markii Uu Amah Waqti Kooban Ah Kaga Soo Ciyaaray Horyaalka Heerka Labaad Ee Ingiriiska.

Wuxuu Si Wacan Ula Bilowday Nolosha Tababare Mauricio Pochettino, Iyadoo Ninka Reer England Uu Dhaliyay 128 Gool 194 Kulan Oo Uu U Saftay Kooxdiisa Tan Iyo Waqtigaas.

Dhinaca Kale Ciyaaryahanka Reer Belgium Eden Hazard Ayaa Ku Lug Leh 154 Gool (84 Gool Uu Dhaliyay Iyo 70 Uu Caawiyay) 280 Kulan Oo Uu U Saftay Chelsea Tartamada Oo Dhan.

Zinedine Zidane Ayaa Xilli Ciyaareed Aan Fiicneyn Ku Qaadanaya Kooxda Real Madrid, Taasoo Keentay In Los Blancos Ay 19 Dhibcood Ka Hooseyso Kooxda Hogaanka La Liga Heysa Ee Barcelona.

Warbixinta Ayaa Sheegeysa In Florentino Perez Uu U Arko Harry Kane Inuu Yahay Ciyaaryahan Ku Fiican Gool Dhalinta Kooxdiisa.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Xitaa Dalabka Rikoorka Adduunka Ugu Qalisan Ayaa Laga Yaabaa Inay Hor Dhigaan Tottenham Si Ay Kaga Helaan Weeraryahanka England.

Warbixinta Ayaa Sheegtay In Perez Uu Jeclaan Lahaa Inuu Tababare Pochettino Kusoo Daro Kooxdiisa Real Madrid Kadib Xaalada Xun Ee Bernabeu.

Eden Hazard, Aabihiis Thierry Ayaa Hore U Sheegtay Inuu Wiilkiisa U Diiday Heshiiska Cusub Ee Chelsea Sabab La Xiriirta Dalab Kaga Yimid Kooxda Real Madrid.

David De Gea Iyo Thibaut Courtois Ayaa Labadoodaba Qandaraas Ku Eg Ilaa Xagaaga 2019ka Kula Jira Kooxahooda, Taasoo Macnaheedu Yahay In Ay Galayaan 11kii Bilood Ee Ugu Dambeysay Heshiiskooda.

Daily Mail Ayaa Sheegtay In Florentino Perez Uu Markale Dhisi Doono Koox Kale Oo Galactico Ah Kadib Markii 84.5% Hoos U Dhac Ku Yimid Dakhliga Kooxda Sannadkii 2017kii.