Kooxda Man United Oo Tababare Kale Ka Raadsaneysa Horyaalka EPL, Inkastoo Ay Qandaraas Cusub Ka Saxiixatay Jose Mourinho…

20 total views, 1 views today

Manchester United Ayaa Isbuucii Lasoo Dhaafay Qandaraaska U Kordhisay Tababareheeda Jose Mourinho, Laakiin Macalinka Xigga Ee Ay Dooneyso Waa Mauricio Pochettino Kaasoo Lagu Aamini Doono Mustaqbalka Fog Ee Kooxdaan.

Special One Ayaa Qandaraas Illaa Sannadka 2020ka Ah U Saxiixay Kooxda Ka Dhisan Old Trafford Iyadoo Uu Jiro Qorshe 12 Bilood Oo Dheeri Ah Lagula Sii Dari Karo Qandaraaskiisa Haatan.

Si Kastaba H Aahaatee, Majaladda Manchester Evening News Ayaa Sheegeysa In Tababaraha Kooxda Tottenham Mauricio Pochettino Uu Maamulka Man United Ula Muuqdo Bedelka Mustaqbalka Fog Ee Mourinho.

Tottenham Ayaa Guul Ka Gaartay Kooxda Red Devils Ciyaartii Khamiistii Ka Dhacday Garoonka Wembley Stadium, Guuldarradaas Ayaana Meesha Ka Saartay Rajadii Horyaalka England Premier League Ee Man Utd.

Laakiin Maamulka Man Utd Guuldarradaas Darteed Uma Raacdeyn Doonaan Tababarahooda Haatan Mourinho, Wararka Ayaase Sheegaya Inay Weli Xiiso U Qabaan Mauricio Pochettino.

Mourinho Oo Maamulka Man Utd Ka Bedelay Louis Van Gaal Ayaa Wuxuu Kooxda Ka Dhigay Mid Horumar Weyn Sameysay Iyadoo Seddax Koob Qaaday Xilli Ciyaareedkiisii Ugu Horreeyey, Sidoo Kale Wuxuu Qarka U Saaran Yahay Inuu Gaarsiiyo Derejadii Ugu Sarrreysay Ee Ay Ka Gaaraan Horyaalka EPL Tan Iyo Markii Uu Fariistay Sir Alex Ferguson.

Real Madrid Ayaa Sidoo Kale Dooneysa Mauricio Pochettino, Iyadoo Isha Ku Heysa Inay Ka Dhigto Bedelka Tababare Zinedine Zidane.