Kooxda Al-Shabab Oo Soo Bandhigtay Magacyada Saraakiil Ay Sheegtay Inay Ku Dishay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

26 total views, 5 views today

Xarakada AL-Shabaab Ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax Saaka Ka Dhacay Degamada Hodon Ee Magaalada Muqdisho,Kaas Oo Ka Dhacay Inta U Dhaxeysa Isbitaalka Digfeer Iyo Isgoyska Tarabuunka.

Xarakada Al-Shabaab Ayaa Sheegtay In Saddex Sarkaal Oo Ka Tirsan Milatariga Soomaaliya Ku Waxyeelloobeen Qaraxaas Oo Uu Mid Ka Mid Ah Dhintay Halka Labada Kalena Ay Ku Dhaawacmeen.

Al-Shabaab Ayaa Sheegtay In Korneyl Lagu Magacaabo C/Llahi Yar,Halka Korneyl Faysal Iyo Korneyl C/Risaaq Ay Ku Dhaawacmeen Qaraxaas Oo Ay Mas’uuliyadiisa Sheegatay.

Majiro Ila Ka Madaxbanaan AL-Shabaab Oo Xaqiijinaya In Saraakiisha Ay Sheegeen In Ay Weerarkaas Ku Dhinteen Sax Tahay Iyo In Kale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.