Koox Katirsan Shabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Degmada Afgooye Ee…

22 total views, 1 views today

Wararka Ka Imaanaya Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Sheegaya In Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab Ay Xalay Weerareen Degmadaas.

Dagaalka Ayaa Markii Hore Ka Bilowday Buundada Yar Ee Degmada Afgooye, Halkaasoo Fariisin Ay Ku Lahaayeen Ciidamada Dowladda.

Dadka Deegaanka Ayaa Sheegaya In Dagaalka Uu Ku Bilowday Bambaanooyin Iyo Rasaas Culus Oo Muddo Daqiiqado Socday.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Afgooye Ayaa Beeniyay Wararka Sheegaya In Al-Shabaab Ay La Wareegeen Degmada, Isla Markaana Ay Iska Caabiyeen Weerarkii Ay Ku Soo Qaadeen Fariisinka Ciidamada.

Xaalada Degmada Afgooye Ayaa Saaka Degan, Lama Oga Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Xalay, Oo Ahaa Mid Culus.

Waxaa Marar Kaladuwan Kusoo Lab Laabtay Dagmada Weerarka Gaad Madaa Ah  Ee Kooxda Ay Kafuliso Iyadoo Wali Dowlada Ay San  So Oaf Jarin Wararda Nuucan Ah Oo Kadhacaan Dagmada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.