KOOX Al-Shabaab Oo Ku Gubay Gobolka Hiiraan Gawaari Siday Badeeco Ganacsi

22 total views, 1 views today

Wararka Ka Imaanaya Gobolka Hiiraan Ayaa Sheegaya In Al-Shabaab Ay Dab Qabadsiiyeen Gawaari Badeeco Ganacsi Siday Oo Ku Sii Jeeday Gobolada Bay, Bakool Iyo Deegaano Ka Tirsan Ismaamul Soomaalida Itoobiya.

Sida Ay Qortay Wakaaladda Wararka Ee SONNA Al-Shabaab Ayaa Deegaanka Maroodille Oo 25KM U Jira Magaalada Beledweyne Ku Gubay Illaa Lix Gaari Oo Siday Badeeco, Kuwaasoo U Rarnaa Ganacsato.

Wararka Ayaa Sheegaya In Al-Shabaab Ay Gawaarida U Adeegsatay Qoriga Baasuukaha Iyo Basiin, Si Ay U Gubaan Dhamaan 6-Da Gaari Iyo Badeecadda Saarnayd.

Dhinaca Kale Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Ayaa Ku Baxay Deegaanka Ay Al-Shabaab Ku Gubeen Gawaarida Siday Shixnada Ganacsi.

Al-Shabaab Oo Sanado Ka Hor Go’doomiyay Deegaano Ka Tirsan Gobolada Koofurta Iyo Bartamaha Ayaa Dhowr Jeer Gubay Gawaari Raashin Iyo Badeeco Kala Duwan Siday Oo Ku Sii Jeeday Deegaanada Horay Loogala Wareegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.