Koofurgalbeed Iyo Puntland Oo Galabta Barbaro 1-1 Ah Isla Dhaafi Waayay Kulan Katirsan Ciyaaraha Maamul…

29 total views, 1 views today

Xulalka Kubbada Cagta Koofurgalbeed Iyo Puntland Ayaa Isla Dhaafi Waayay Barbaro 1-1 Ah Kulan Maanta Ay Isaga Horyimaadeen Waxayna Labada Xulba Ay Xaqiiqsadeen Inay U Soo Gudbeen Wareega 2aad Ee Tartanka Dowlad Goboleedyada.
Ciyaartan Oo Aad U Xiiso Badneyd Ayaa Waxaa Goolka Ku Hormartay Xulka Koofurgalbeed Iyadoo Qeybtii Hore Ay Ku Soo Dhamaatay 1-0.
Hase Yeeshee Qeybtii Dambe Ee Ciyaarta Ayaa Dadaal Ay Sameeyeen Xulka Puntland Waxaa U Suurtogashay Inay Goolka Barbarada Ah Dhaliyaan.
Natiijada Kulankan Ayaa Ka Dhigtey Xulka Hirshabelle Xulkii Ugu Horeeyay Ee Tartankan Ka Hara Kadib Markii Labadii Kulan Ee Ay Hore U Ciyaareen Ay Ka Urursadeen Hal Dhibic Oo Qura.
Xulka Puntland Ayaa Waxaa Kulanka Semifinalka Ah Ay Isku Soo Beegmeen Xulka Gobolka Banaadir Halka Xulka Koofurgalbeed Uu La Ciyaari Doono Xulkii Soo Badiyay Galmudug Iyo Jubaland Kulanka Ay Yeelan Doonaan.
Taranka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada Oo Ay Maamuleyso Wasaarada Dhalinyarada Iyo Isboortiga Ayaa Si Xiiso Iyo Xamaasad Leh Ugaga Socda Garoonka Koonis Stadium Ee Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.