Kismaayo oo lagu xiray Xildhibaan Axmed Taajir iyo Xaalka Uu Kusugan yahay

28 total views, 2 views today

Wararka Naga Soo Gaarayo Magaalada Kismaayo Ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland Ayaa Waxay Sheegayaan In Iminka Xaalad Kacsanaan Ah Ay Ka Taagan Tahay Magaaladaas,Isla Markaana Isku Socodka Dadka Iyo Gaadiidka Ay Qeybo Ka Mid Ah Kismaayo Hakad Ku Jiraan.

Arrintaan Ayaa Timid Kadib Markii Ciidamada Jubbaland Ay Xabsiga Dhigeen Xildhibaan Axmed Taajir Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Jubbaland Ahaana Xildhibaankii Shalay Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland Ay Xasaanada Kala Noqdeen.

Dad Goob Joogayaal Ah Ayaa Inoo Sheegay In Xaafado Ka Mid Ah Kismaayo Ay Dabaqyada Ku Yaalla Ay Saaran Yihiin Ciidamo Ay Iskuheyb Yihiin Xildhibaan Axmed Taajir Halka Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Nabadsugida Jubbaland Wadooyinka Waaweyn Ee Kismaayo La Dhigay.

Saacadihii La Soo Dhaafay Ayaa Ilo Xog-Ogaal Ah Oo Aan Nala Hadlay Waxay Sheegeen In Ay Jireen Ciidamo Baadi Goob Ku Haya Xildhibaano Dhawaan Mooshin Ka Gudbiyay Axmed Madoobe Si Ay U Xiraan,Waxaana Ka Mid Ah Xildhibaanada Ku Kacsan Axmed Madoobe Ee La Baadi Goobayo Xildhibaan Magaciisa Lagu Soo Koobay Siraaji.

Mararka Qaar Xaafadaha Kismaayo Waxaa Laga Maqlayaa Rasaas Ay Ridayaan Ciidamada Jubbaland,Waxaana Dadkweynaha Qaarkood Ay Dareemayaan Cabsi.