Khilaafka Cristiano Ronaldo Iyo Sergio Ramos Oo Xiddigo Katirsan Real Madrid Sharaxeen…

27 total views, 2 views today

Daafaca Real Madrid Marcelo Ayaa Sheegay In Uu Mugdi Ku Jiro Xiriirka Ka Dhaxeeya Cristiano Ronaldo Iyo Sergio Ramos.

Waxaa Jiray Warar Xoogan Oo Sheegaya In Labada Ciyaaryahan Aysan Laheyn Xiriir Fiican Tan Iyo Markii Ronaldo Kacdoon Ka Bilaabay Qolka Labiska.

Labada Xiddig Ayaa Si Furan Uga Hadlay Aragtidooda Ku Aadaneyd Go’aankii Ay Kooxda Kaga Tageen Pepe, Fabio Coentrao Iyo James Rodriguez.

Ronaldo Ayaa Sidoo Kale Kaga Careysan Ramos Inuu Isku Dayayo Inuu Neymar Usoo Dhaqaajiyo Garoonka Bernabeu.

Marcelo Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyey Inuusan Hubin Hadii Uu Jiro Kacdoon U Dhaxeeya Kabtanka Kooxda Iyo Gooldhaliyaha Ugu Sareeya Real Madrid.

“Ma Aqaano Wax Ku Saabsan Hadii Cristiano Uusan Ku Faraxsaneyn Nolosha Halkaan” Ayuu Yiri Marcelo.

“Ma Aqaano Hadii Ay Wax Kajiraan Dhanka Ramos “Waxaan Doonayaa Inaan Ciyaaro Kubada Cagta, Ma Garanayo Dagaalka Ka Dhaxeeya Labadooda.

Madrid Ayaa Lagu Qabtay Barbaro Goolal La’aan Ah Kulankii Ay Usafreen Xalay Dariskooda Atletico Madrid.

Real Madrid Ayaa 10 Dhibcood Ka Dambeysa Hadda Kooxda Horyaalka Hogaamineysa Ee Barcelona.

Marcelo Ayaa Dareensan In Kooxdiisa Ay Ubaahan Tahay Waqti Ay Kusoo Kabato, Kadib Xili Ciyaareedka Xun Oo Ay Kujiraan.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.