Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Deegaanka Dhumay Oo Kordhay

36 total views, 2 views today

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleedka shalay ka bilaawday deegaanka Dhumay ee koonfurta Gobolka Sool.

Dagaalka oo shalay waaberigii hore bilaawday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in khasaaraha dhimasho uu gaaray 50 ruux halka 85 kale ay dhaawacmeen,waxaana jirtay in dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas ay xalay geeriyoodeen.

Wararka saakay naga soo gaaraya deegaanka Dhumay ayaa waxa ay ku waramayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana uusan dagaal ka socon balse markasta la filan karo maadaama maleeshiyaadkii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Soomaaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo ay uga hortagayaan dagaalkaas si uusan markale dhiig ugu daadan.

Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa dagaal beeleedku uu yahay mid ku soo laab laabtay,waxaana dagaal mudo laba bilood ka hor ka dhacay deegaankaas ku geeriyooday 21 Ruux.