Kenya oo Sheegtay in Al-shabaab Loogu Shakisan Yahay Afduubka Sarkaal boolis

15 total views, 1 views today

Warqaat.Com):--Ciidamadda Police-ka Kenya ayaa baadi goobaya sarkaal katirsan police ka dalkaasi oo loogu shakisan yahay in ay afduubteen xubno katirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Arintan ayaa imaaneysa kadib markii Alshabab ay weerar ku ekeeyeen saldhig ay ciidamada Kenya kuleeyihiin Magaalada Garisa gaar ahaan deegaanka Hamey todobaadkan oo waxyar ujira xuduuda ay wadaagan dalalka Somaliya iyo Kenya.

Taliyaha saldhigaasi David Kerina ayaa sheegay in haatan ay soconayaan baaritaano lagu soo samata bixinayo sarkaalkaasi katirsan ciidamada Police ka Kenya ee kusuganaa Saldhigaasi.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa carabaabay in saraakiishii kudhaawacmay weerarkaasi haatan ay kabaxeen qatartii xaaladooduna ay soo hagaageyso maadama dhaawacii soo gaaray uu aad udarnaa.

Weerarkan ayaa imaanaya kadib Todobaad kahor weerar loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso oo lala bartilmaameedsaday kolonyo ay saarnaayeen ciidamada Police ka Kenya oo marayay deegaanka Ijara oo katirsan Magaalada Gaarisa.

Dalka Kenya ayaa amnigiisu xumaaday wixii ka dambeeyay sanadii 2011 kii kadib markii dowlada Kenya ay ciidamo usoo dirtay soomaaliya.