Kenya Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Rag Dilay Macalimiin….

?????????????????????????

20 total views, 1 views today

Dowladda Kenya Ayaa Sheegtay In Ciidamada Ammaanka Ay Gacanta Ku Dhigeen Rag Looga Shakisan Yahay In Ay Ka Dambeeyeen Dilkii Jimcihii Ina Dhaaftay Iskuul Ku Yaalla Magaalada Gaarisa Ee Dalka Kenya Loogu Geystay Ilaa Saddex Macalimiin Ah.

Maxamed Saalax Oo Ah Madaxa Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Ee Dalka Kenya Oo Ka Hadlayay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Gobolkaasi Ayaa Sheegay In Gacanta Lagu Dhigay Laba Nin Oo Uu Sheegay In Ay Ka Dambeeyeen Weerarkii Lagu Qaadaya Macalimiinta Kenyanka Ah.

“Ciidamada Ayaa Gacanta Ku Dhigay Laba Nin Oo Looga Shakisan Yahay In Ay Ka Dambeeyeen Weerarkii Gaarisa, Faah Faahin Kale Kama Bixnayo, Sharciga Ayaa La Horgeyn Doonaa, Uma Dulqaadan Doono In Kox Hubeysan Ay Dil Geystaan Kadibna Ay Baxsadaa.” Ayuu Yiri Maxamed Saalax.

Saraakiisha Gobolka Ayuu Ugu Goodiyay Hadii Aanay Sida Waajibka Ah U Qabsan Shaqadooda Ay Maxkamada Iyo Shaqo La’aan Muteysan Doonaan, Wuxuuna Shacabka Ka Dalbaday In Ay La Shaqeeyaan Laamaha Ammaanka.

Baaritaano Horudhac Ah Oo Booliska Kenya Ay Soo Saareen 17-Kii Bishan Ayay Ku Sheegeen Raggii Weerarkaasi Ka Dambeeyay In Ay Ahaayeen Ilaa Saddex Ruux Oo Kala Ah Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed Iyo Abdirashid Ibrahim Osman.

Ururka Al-Shabaab Ayaa Dhowr Jeer Oo Hore Waxa Ay Weerar Macalimiin Kenyan Ah Llagu Dilay Laguna Afduubtay Ka Geysteen Gudaha Dalkaasi, Xilligaasi Wixii Ka Dambeeyay Waxaa Jirtay Cabsi Soo Wajahday Macaliminta Kenyanka Ah.