Kenya oo sheegtay in ay Fashilisay Weerar lagu qaadi rabay Nairobi…

??????????????????

18 total views, 1 views today

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab , kuwaasoo doonaayay in ay weeraraan Gudaha Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Hay’adda Ammaanka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen xubno ka tirsan Shabaab ay kiraysteen Hoteel saldhiga Nairobi ku dhegan, islamarkaana ay qorsheeyeen in ay weerar qaadaan.

Kenya waxa ay sheegtay in ay fashilisay Weerarkaasi oo la doonayay in lagu qaado Kenya, islamarkaana ciidamada Booliska ay xireen ilaa iyo Shan ruux ka dib markii ciidamada Booliska ay xog u soo gudbiyeen dadka Shacabka ah.

Ciidamada Boolisa ayaa sheegay in xireen Cabdi Majiid Aadan 24 Sano jir ah oo gurigiisa laga helay Shan Qori oo AK 47, islamarkaana dhawaan la horkeeni doono Caddaaladda

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Booliska ayaa u sheegay Warbaahinta dalka Kenya in sidoo kale ay xireen Saddex xubnood oo kale oo la tuhmaayo.