Kenya oo qarka u saaran qalalaase

906 total views, 1 views today

Baarlamaanka alka Kenya ayaa ku qasban inay meelmariyaan hindise sharciyeed ogolaanaya in dumarka baarlaamanka ku jira ay noqdaan saddex meelood labo haddii aan sidaas layeelinna uu dalku halis ugu jiro in uu galo qalalaase dastuur.

Xildhibaannada taageersan go’aankaasi ayaa ku hanjabay in dalka uu gali doono Qalalaase hadii aan si deg deg ah arintaasi loo hirgalin.

Dastuurka dalka Kenya ayaa la ansixiyay sannadkii 2010kii , waxaana uu dhigaya in jinsiga uusan noqon karin saddex meelood labo ka mid ah wax kaste oo xubnaheeda la soo doorto ama la magacaab.

Dumarka dalka Kenya ayaa hadda heysta 22 xubnood oo ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka halka Aqalka sarana ay ku leeyihiin 31 xubnood.

Tan iyo sannadkii 2012 Maxkammadaha dalka Kenya ayaa ku amray baarlamaanka inay meelmariyaan hindise sharciyeedka jinsiyadda ama barlamaanku uu halis u gali doono in la kala diro.

Dadaalada lagu meel marinayo sharcigan ayaana miro dhali waayay.

Hadii barlamaanka la kala diro, waxaa lagu qasbanyahay in doorasho guud la qabto iyadoo dalka Kenya sannadkii aynu soo dhaafnay ay ka dhacday doorashooyiin rabshado ay harereeyeen.