Kenya Oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Shiishada Iyo Sababta Keentay…

21 total views, 1 views today

Wasaarada Caafimaadka dalka Kenya ayaa ka mamnuucday wadanka Kenya in la soo geliyo lagana isticmaalo shiishada.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Cleopa Mailu ayaa sheegay in laga mamnuucay dalka Kenya  in la soo geliyo,lagu xayeysiiyo isla markaana lagu iibiyo shiishada.

Qoraal la soo saaray maanta ayaa Dr Maily waxa uu ugaga digey shacabka Kenya isagoo sheegay in qofkii lagu helo isticmaalka ama ka ganacsiga shiishada ay mudan karto ganaax dhan 50,000 Shillinka Kenya ah ama xabsi gaaraya lix bilood amaba labadaba.

Dalka Kenya ayaa noqonaya wadanka saddexaad oo ku yaal Bariga Afrika ee laga mamnuuco isticmaalka Shiishda,waxaana hore uga mamnuucay wadamadooda dowladaha Tanzania iyo Rwanda.

Wadamada kale ee caalamka laga mamnuucay isticmaalka shiishada ayaa waxaa ka mid ah  Pakistan, Jordan, Singapore iyo Saudi Arabia.

Hay’ada caafimaadka adduunka WHO ayaa  dhowaan sheegtay isticmaalka shiishada in uu caafimaad darro u keeno dadka isticmaala iyadoo dadka isticmaala halkii mar ay u dhiganto inuu isticmaalay illaa boqol xabo oo sigaar ah.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamdada caalamka ee laga isticmaalo shiishada, waxaana sii kordhaya dhalinyarada isticmaasha shiishada sanadba sanadka ka sii dambeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.