Kenya oo beenisay in ay ku lug leedahay dhoofinta Dhuxusha Kismaayo

17 total views, 1 views today

Todobaadkan waxaa soo baxay in Dekadda Magaalada Kismaayo laga dhoofinayo dhuxul aad u farabadan ,iyada oo sawirro laga qaaday gudaha Dekadda ay muujinayeen tiro aad u badan oo dhuxul ah iyo Doomo ku xiran dekadda oo sugaya in ay u qaadaan Waddamada Khaliijka Carabta.

Dowladda Kenya iyo Maamulka Jubaland ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah dhuxul uga dhoofiyaan Magaalada Kismaayo iyada oo jebinayay cunaqabateynta saaran dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya David Obonyo ayaa beeniyay in Kenya ay si toos ah ugu lug leedahay dhoofinta dhuxusha ee ka socota dekadda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Qaramada Midoobey ayaa Ciidanka Kenya horay ugu eedeysay in ay kiishkii dhuxul ah ee laga dhoofiyo dekadda Magaalada Kimaayo ku leeyihiin $2 Doollar,inkasta oo Kenya au beenisay arrintaas.

Sanadkii 2013kii ayey Qaramada Midoobey joojisay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya,iyada oo dambi ka dhigtay arrintaas hayeeshee ma muuqato in ay wax iska beddeleen dhoofka dhuxusha Soomaaliya.

Waddamada Imaaraadka,Cumaan,Baxreyn iyo meelo kale ayaa loo dhoofiyaa dhuxusha Soomaaliya iyada oo Doomo iyo Maraakiib looga qaado xeebaha Soomaaliya.