KASHIFAAD: Wasiir ka tirsan Xukuumada Kheyre oo Been u sheegay shacabka, Sirtiisana Banaan la keenay

21 total views, 1 views today

Maxamed Abuukar Nuur oo ka mid ahaa shaqaalaha Maamulka Hawada Soomaaliya, xilligii Dowladdii Dhexe ee Dalka ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliska Hawada ay ka been sheegtay hanaanka loo soo wareejiyay Maamulka Hawada Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in ay dooneyso in ay hagar daamiso Ummadda Soomaaliyeed, maadaama qeyb uun ay la soo wareegtay hanaanka loo maamulayo Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Abuukar Nuur ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si KMG ah shaqada uga joojiyaan Waasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Agaasimaha Wasaaradaasi, si buu yiri loo saxo khaladaadka jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.