Jubaland oo sheegtay in ay qabatay qarax loo waday Kenya

20 total views, 1 views today

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Qarax loo waday Gudaha Kenya kaas oo ay ku qabteen Gobolka Gedo.

Ciidamada amaanka Jubaland ayaa duleedka Magaalada Baladxaawo ku qabtay Qarax Miino ah oo ay sheegeen in dhinaca Kenya loo waday.

Wasiirrada arrimaha gudaha iyo AMniga ee Maamulka Jubaland ayaa sheegay in Qaraxaasi loo waday in la geliyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

C/Rashiid Xasan Nuur Janan oo ah Wasiirka amniga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Jubland Maxamed Faarax Warsame Darwiish iyo mas’uuliyiin kale ayaa tagay goobta lagu qabtay qaraxa.

Iyaga oo saxaafadda kula hadlay goobta ayey sheegeen in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga,waxaan aay AL-shabaab ku eedeeyeen in Qaraxaas ay diyaariyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.