Jen. Diini “Joojinta Taageerada Mareykanka Waa Dib U Dhac Weyn”

21 total views, 1 views today

Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Jen. C/Qaadir Sheekh Cali Diini Ayaa Ka Digay In Joojinta Taageerada Mareykanka Uu Siin Jiray Ciidamada Soomaaliya Ay Dib U Dhac Weyn Ku Keeni Doonto Dadaalka Ciidamada Ammaanka Soomaaliya Kula Dagaallamayaan Al-Shabaab.

Jen. C/Qaadir Sheekh Cali Diini Oo Horay Si Dhow Ula Soo Sheegay Saraakiisha Mareykanka Ee Soomaaliya Ku Sugan, Xilligii U Ahaa Taliyaha Ciidamada Iyo Wasiirka Difaaca, Isagoo Ku Tilmaamay Go’aanka Uusan Imaan Waqtigii Saxda Ahaa.

“Haddii Mareykanku Joojiyo Cuntada, Shidaalka Iyo Qarashaadki, Waxey Hakad Galin Doontaa Dagaalka Iyo Abaabulka Ka Dhanka Ah Cadawga Argagixisada”Ayuu Yiri Jen. C/Qaadir Sheekh Cali Diini.

Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay In Tallaabadan Aanay Caawin Doono Ee Howlgalada, Balse Ay Tahay Mid Dhaawaceysa Niyadda Sida Uu Hadalka U Dhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.