Jawaari oo Muqdisho ka bilaabay shaqo hore oo caan ku ahaa kana mid ahayn siyaasada

22 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ayaa Tan Iyo Markii Uu Iska Casilay Xilka Guddoonka Golaha Shacabka Waxaa Laga Waayay Saaxada Siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari Ayaa Cashar Ku Saabsan Arrimaha Dastuurka Waxa Uu Ka Bixiyay Jaamacadda Ummadda Ee Magalada Muqdisho Ka Dib Markii Uu Si Kedis Ah Ku Tagay Jaamacadda.

Qaar Ka Mid Ah Ardayda Ayaa Aad U Soo Dhaweeyay Tallaabada Uu Qaaday Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Shacbaka Soomaaliya.

Waa Markii Ugu Horreysay Oo Mudane Jawaari Uu Tago Jaamacadda Ummadda,Isla Markaana Uu Cashar Ka Bixiyo Tan Iyo Markii Uu Iska Casilay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.