Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay 60 Ruux Oo Saraakiil Ku Jiraan

1,569 total views, 3 views today

Dowlada Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay taliye ku xigeenkii hore ee laanta sirdoonka ciidanka Itoobiya Ganaraal Yared Zerihun iyo ku dhawaad 60 ruux oo lashaqeynay booliska wadankaas sida uu xaqiijiyey madaxa ciidamada Berhanu Tsegaye.

Booliska Itoobiya ayaa faahfaahin dheeriye ka bixin ujeed ka danbeysa xariga sargaalka balse waxa uu qeyb ka noqonayaa tiro saraakiila oo dhawaan xabsiga loo taxaabay

Isniinti ayaa xabsiga la dhigay xaaska sargaalkaan oo isku dayday inay qariso sargaalkaan si wareedyo booliska Itoobiyaa  ay u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

Sargaalka Mr Yared ayaa horay uga soo shaqeeyey ciidamad dalkaasi isaga oo soo noqday madixii ciidamada booliska in kastoo mudo sadex bil kadiba uu iska casilay.

Maalin kahor ayaa dowlada Itoobiya xabsiga dhigtay taliyaha milatariga,kadib markay sheegtay inay beegsa doonto madaxda lagu helo musuqa iyo tacadiga ka dhankaa xuquudul insaanka.