Itoobiya oo siideyneysa Maxaabiis 1,000 ka badan oo ONLF ah

15 total views, 1 views today

Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay qorsheynayaan in ay Saakay Xabsiga ka siidaayaan ku dhawaad  1,600 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaridka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga ka siidaysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah Oromadda.

Siideynta Maxaabiistaan ayaa lagu soo beegmay xilli wadahadal qaatay maalmo badan ay yeesheen ONLF iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.

Dad aad u farabadan ayaa la filayaa in ay saaka tagaan Xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeeniya ee Magaalada Jig jiga halkaas oo ay inta badan ku xir xiranyihiin maxaabiista ONLF ee saaka la siideynayo.

Ra’iisul wasaarihii Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib markii uu sheegay in rabshaddaha dalkaasi ay bateen.