Itoobiya iyo Cuba oo Adis ababa ku xusay guushii ay ka gaareen Dowladdii Kacaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

17 total views, 1 views today

Dowladaha Itoobiya iyo Cuba ayaa xus ku qabsaday Magaalada Adis ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya waxaana ay xusayeen guushii ay 40 sano ka hor ka gaareen dowladdii Milatariga ahayd ee Soomaaliya.

Dalka Cuba dagaalkaas waxaa uga dhintay 163 Askari,waxaana ay xilligaas kaalmo ciidan siineysay Dowladda Itoobiya oo uu dagaal kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya.

Danjiraha dalka Cuba ee Itoobiya Vilma Thomas ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ubax dhigay Quuburihii lagu aasay Askarta Cuba ee lagu dilay dhulka Somali galbeed ee ay hadda Itoobiya maamusho.

Sidoo kale ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Dalka Itoobiya Hirut Zemen,ayaa dowladda Cuba uga mahad celiyay kaalintii ay ku lahaayeen dagaalkii ay la galeen dowladda Soomaaliya waxaana uu sheegay in Cuba ay qeyb muhiim ah ka ahayd dhameynta waxa uu ugu yeeray faragelintii dowladda Soomaaliya ku sameysay Itoobiya.

Hirut Zemen,waxaa kale oo uu sheegay in shacabka iyo dowladda Itoobiyaba ay waligood xusuusnaan doonaan heerka isku filnaanshaha ah ee ay Dowladda Cuba gaarsiisay waaxda Gaashaandhigga Dalka Itoobiya.

Sawirrada 163da Askari ee Cuubaanka ahaa kuna  dhintay dagaalkii 1977kii ilaa 1978 dii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa lagu dhejiyay dhismaha safaaradda Cuba ee Magaalada Adis ababa.

Dagaalkaas waxaa uu soo gaba gaboobay 15kii March 1978dii,Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre in uu doonayay in uu gacanta ku dhigo guud ahaan Bariga Afrika islamarkaana ka dhiso Dowlad uu isaga Madaxweyne ka yahay.