Ilaaladda Madaxweyne Gaas oo Wariye dhaawacay

23 total views, 2 views today

Sidda Ay Xaqiijiyeen Qaar Ka Mid Ah Wariyeyaasha Magaalada Garowe Ee Caasimadda Punland,Ciidamo Ka Mid Ah Ilaaladda Madaxweyne Gaas Ay Dhaawacay Mid Ka Mid Ah Wariyeyaasha Ka Howlgalla Magaalada Garowe.

Wariye Khaliif Geelle Oo Ka Tirsan Wariyaasha Ka Hawlgala Magaalada Garowe Sidoo Kalana Ah Wakiil Wareedka Tvga Jubbaland Ayaa Waxaa Dhaawacay Ilaaladda Madaxweyne Gaas.

Sidda Ay Xaqiijiyeen Goobjoogayaal Wariyaha  Xilliga Ay Ciidamada Dhaawacaayeen Waxaa Uu  Ku Sugnaa Goob Ay Kasocotay Xaflad Ay Ku Qalin Jabinayeen Arday Waxaana Soo Gaaray Dhawacyo Kaladuwan Kuwasoo Uga Badan Dhanka Madaxa.

Qaar Ka Mid Ah Ilaaladda Madaxweyne Gaas Ayaa La Sheegay In Ay Ku Hoobteen Wariyaha Ka Dib Khilaaf Soo Gala Dhexgalay.

Wali Kama Hadlin Madaxtooyadda Puntland Dhacdadaan Maanta Lagula Kacay Wariye Khaliif Geelle.