ILA QOSOL: AMINARTS oo sawir ila qosol ah ka sameeyey cidda u dhaxeeyo Heshiiska Dekeda Berbera.

38 total views, 1 views today

AMINARTS oo sawir-sameeya inta badan ku cabira xaaladdaha siyaasadeed iyo hadalheynta bulshada Soomaaliyeed ayaa sawir uu ka sameeyey cidda u dhaxeeyo heshiiska Berbera, wuxuu muujiyey in ay Itoobiya & DP WORLD kala saxiixden heshiiskan oo aysan waxba door ah laheyn.

Sawirka ayaa muujinaya Somaliland oo ay caloosha kuwadato Itoobiya, taas oo muujinaysa baaxada uu leeyahy heshiiskan oo ay Somaliland wax badan ku weyday.

Itoobiya iyo Somaliland horey ayay ugu heshiiyeen arrimaha qaarkood, gaar ahaana dhinaca Canshuuraha oo aan haddeerba waxba adeegyada uga daga marsada magaalada Berbera ee Somaliland.

Laakiin Somaliland wey dafirtay arrimaha muuqda, waxayna saamiga ugu yar ka heshay dekeda Berbera oo ay ku weyday Malaayiin Dollar oo ay ka heli lahayd kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaana dhaqaalaha kasoo xaroonaya dekeda magaaladaas.

Dekeda Berbera ayaa ah mid aan la dhisin 30 sano ee ugu dambeeyey, balse la dhisay waqtigii Xukuumadii Kacaanka ee Soomaaliyeed iyo ka hor oo ay wax ka dhiseen qaar kamid ah wadamadii gumeystay Soomaaliya.