Howlgalo ka socda Duleedka Magaalada Kismaayo.

827 total views, 1 views today

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan deegaano hoos taga Magaalada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiishan Ammaanka ee Jubbaland ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo Ammaanka deegaanada Maamulkaasi.

Waxaana Ciidamadu ay ku sugan deegaanka Cabdale Biroole, , baar sanguuni iyo Buula gaduud oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka Jubada hoose.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa ay Ciidamada Xoogga iyo kuwa maamulka Jubbaland dhaq dhaqayo Ciidan ka wadeen deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka, oo weli qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin Al Shabaab.