Howlgallo Saakay Laga Sameeyay Degmada Afgooye

20 total views, 1 views today

Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa saakay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Dagaalka oo aan weli la shaacin khasaaraha ka Dhashay ayaa Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degmadaasi waxa ay sheegeen in ay ka hortageen Weerar kaga soo wajahnaa dhanka Al_Shabaab.

Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ay wadaan howlgallo baaritaano ah walow howlihii Ganacsiga Iyo isu socodka dadka Iyo Gaadiidka uusan saameyn ku yeelan.

Degmada Afgooye ayaa dhowr Mar weerar ku soo qaaday Al-Shabaab waxaana War ay xalay soo saareen ay ku sheegeen in ay Gudaha u galeen Afgooye walow taliska Boolisku uu warkaas beeniyay