Hordhaca Sheekada Kun Habeen Iyo Habeen Oo Aad Warqaat Kala Socon Doontid

68 total views, 2 views today

Waa Maxay Sheekada (1001):

Waa Sheeko La Isku Khilaafay Asal Ahaan Halka Ay Kasoo Jeedo, Dadka Qaar Waxay Qabaan In Ay Kasoo Jeedo Boqortooyadii Saasaan Ee Xukumi Jirtay Hindiya Iyo Sandi, Halka Dadka Taariikhda Wariya Qaarkood Kalana Ay Leeyihiin Waxay Ka Dhacday Ciraaq, Sidoo Kale Waxaa La Sheegaa Iney Ka Dhacday Masar Xitaa Yahuuda Waa Lala Xiriiriyay.

Laakiin Arinka Xaqiiqda U Dhaw Ayaa Waxay Tahay Boqorka Ay Sheekada Ku Socoto Ee Shahri-Yaar Inuu Xukumi Jiray Meelo Aasiyo Kamida Ah, Sheekada Waxaa Ku Jiro Qisooyin Badan Oo Aan Caadi U Naqaano Sidii Qisadii Calaa-Udiin Iyo Feynuustiisii Yaaabka Laheyd, Waxaa Kaloo Kamid Ah Sheekadii Cali-Baaba, Iyo Todobadii Safar Eee Badmaaxii Weynaa Ee Sindibaad.

Yaa Qoray Sheekada:

Ilaa Iyo Hada Lama Yaqaano Qofkii Asal Ahaan Sheekadaan Qoray Laakiin Casrigii Dahabiga Ahaa Khilaafadii Cabaasiyiinta Ayaa Sheekadaan Lasoo Turjumay Markii Ugu Horeysay, Sidoo Kale Waxaa Ingiriis Loo Tutrjumay Sanadkii 1704tii.

Imisa Luuqad Ayay Sheekadaan Ku Qorantahay:

Majirto Luuqad Caalami Ah Oo Aysan Sheekadan Ku Qorneen Waana Sheekada Loogu Akhriska Badanyahay Aduunka Waxayna Ku Turjumantahay Luuqadaha Sida: Carabi Ingiriis, Talyani, Faransiis, Giriiga, Spain, Portugal, Germany, Swedan, Denmark, Russian, Scotland, Poland, Iyo Hungry Xitaa Soomaali Ayay Ku Qorantahay, Sidoo Kale Waxaa Laga Sameeyay Filimaan Iyo Musal-Salaad Caan Ah.

 

Ma Runbaa Sheekada Kun Habeen Iyo Habeen:

Waxaa Xaqiiqo Ah Inuu Jiray Boqor Shahri-Yaar Iyo Xaaskiisa Shaharzaad, Laakiin Waxaa La Isku Khilaafay In Sheekooyinka Meesha Ku Qoran Oo Ay Ka Sheekeyneyso Shaharzaad Iney Run Yihiin Iyo Inkale.

Waxayse U Badan Tahay In Qaarkood Yihiin Sheekooyin Khiyaali Ah Oo Hab Aad U Macaan Si Farshaxan Lehna Loo Qoray Sida Sheekada Cali-Baabaa Oo Aan Dib Ka Qori Doono Iyo Sheekadii Badmaaxii Weynaa Ee Sindibaad Sidoo Kale Sheekadii Xamaaligii Iyo Gabdhihii.

Waxaa Kaloo Kamid Ah Sheekadii Boqor Yoonaan Iyo Ninkii Xakiimka Ahaa Ee Rooyaan La Dhihi Jiray, Waxaase Ku Jiro Sheekooyin Xaqiiqo Ah Sida Sheekooyinkii Ay Ka Warineyso Boqorkii Caadilka Ahaa Ee Haaruun Al-Rashiid.

Xageen Kasoo Xigtay Sheekadaan:

Aniga Sheekadaan Waxaan Kasoo Xigtay Wabsetka ( Ar.M.Wikisource.Org ). Iyadoo Carabi Ku Qoran Ayaad Halkaas Ka Heleysaa.

Waqti Intee La Eg Ayay Soconeysaa:

Sheekada Waa Mid Aad Iyo Aad U Dheer Waana Mid Ka Mid Ah Sheekooyinka Ugu Dhaadheer Ee Aduunkaan La Qoray Gabadha Sheekada Warineysana Ee Shaharzaad Waxay Ku Qaadaneysaa Kun Habeen Iyo Habeen Inkastoo Buugaagta Qaar Lagu Soo Koobay Ilaa Iyo 200 Oo Habeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.