Hey’adda Socdaalka Qaramada Midoobey U Qaabilsan, (Iom) Oo Xafiis Ka Furaneysa Soomaaliya

22 total views, 1 views today

Hey’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Socdaalka Ayaa Xafiis Ka Furaneysa Magaalada Doollow Ee Gobolka Gedo, Si Looga Jawaabo Qul-Qulka Barakaca Ka Dhashay Abaarta Iyo Amni-Darida, Sidaasi Waxaa Jimcihii Sheegtay IOM.

The International Organization For Migration (IOM) Ayaa Sheegay In Gobolka Gedo Ka Fulin-Doonto Goobo Dadka Lagu Dhaqan-Celiyo Iyo Xafiis Maamulka.

Kevin Merkelz,Oo Madax Ka Ah Xafiiska IOM-Ta Ee Dollow Ayaa Sheegay In Xafiiskan Iyo Guud Ahaan Shaqada IOM-Ta Aaney Suura-Gasheen Haddii Maamulka Deegaanka Aanu Gacan-Siin.

Qaramada Midoobey Ayaa Todobaadkan Sheegtay Illaa 2 Milyan Ku Barakaceen Dalka Gudahiisa, 1 Milyan Ka Mid Ah Waa 12dii Bil Ee Ugu Dambeeyay.