Hay’adaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay burcad dhac geysan jirtay

39 total views, 5 views today

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmahan dambe kordhiyay hawlgalada ay ku beegsanayaan burcada dhaca ka geysata magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dad ku eedeysan falalka burcadnimada.

Raggan la soo qabtay oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa lagu hayaa mid ka mid ah xarumaha baarisa ciidanada dowladda federaalka, halkaasi oo baaritaano dheeraad ah loogu sameynayo, si ugu dambeyn sharciga loo horgeeyo.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo yareeyo falalka ka baxsan ammaanka.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, maalmahan waxaa laga cabanayay moobeelo la dhaco, dadkii falkaasi geysanayay gacanta ayaa lagu dhigay, waxaan ku amaanayaa shaqadaas ciidamada ammaanka.” ayuu yiri wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan xummaa, waxaana dadka ay yihiin kuwa si wayn u hadal haya falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee magaalada ka dhacaya.