Hay’ad Mareykan Ah Oo Ku Fadeexooway Soomaali Ay Dib Usoo Celin Rabtay Iyo Maxkamada…

20 total views, 1 views today

Maxkamadda Gobolka Miami Ee Dalka Mareykanka Ayaa Diidday Dib U Celinta 92 Soomaali Ah Oo Dhawaan Ay Diyaarad Ka Qaadday Mareykanka Kaddibna Dib Ugu Celisay Isla Mareykanka.

Darrin Gayles Oo Ah Garsooraha Maxkamadda Federaalka Gobolka Miami Ayaa Amar Ku Siiyay Hay’adda ICE Ee Dadkan Ka Xir Xirtay Mareykanka Kuna Celineysay Soomaaliya In Ay Joojiso Duullimaadkii Ay Ku Qornaayeenna Dib Loo Dhigo.

Hay’adda ICE Ayaa Lagu Eedeeyay In Si Aan Sharci Ahayn Ay Dadkaas Uga Qab Qabteen Mareykanka Una Saareen Diyaarad Soomaaliya Ku Celisa Hayeeshee Diyaaraddii Ay Ku Degtay Magaalada Dhaka Ee Dalka Senegal,Kaddibna Dowladda Senegal Weydiisay Dadkii Diyaaradda Waday Sharciyada Dadka Soomaalida Ah.

Hay’adda ICE Iyo Shaqaalaha Diyaaradda Ayaa Ku Fashilmay In Ay Helaan Sharciyada Soomaalida Oo Markii Horeba Ay Qasab Ku Soo Kaxeeyeen Waxaana Dowladda Senegaal Amartay In Aysan Ku Degi Karin Dalkeeda.

Taas Ayaa Sababtay In Dib Loogu Celiyo Dalka Mareykanka Oo Markii Hore Laga Soo Qab Qabtay,Waxaana Dood Dheer Kaddib Lagu Guuleystay In Dib Loo Dhigo Dib U Celintooda Soomaaliya.

92 Qof Ee Soomaalida Ah Ayaa Sheegay In Intii Ay Ku Jireen Duullimaadkaas Loola Dhaqmay Si Arxan Darro Ah Islamarkaana U Muuqatay Addoonsi,Waxaana Arrintaas Aad U Qaatay Warbaahinta Caalamiga Ah,Sida Uu Sheegay Garsooraha Maxkamadda Waxaa Ay Taas Sumcad Xumo Ku Noqotay Mareykanka.

Qareenka U Doodayay Soomaalida Ayaa Sheegay In Soomalaiya Aysan Hadda Ahayn Meel Lagu Celin Karo Dadka Maaddaama Amnigeedu Uusan Ahayn Mid Dhameystiran Sidaas Darteedna Ay Tahay In Dib U Celinta Dadkaas La Baajiyo,Taas Oo Uu Garsooraha Ku Raacay.

Warbixinta Sanadlaha Ah Ee Hay’adda ICE Ayey Ku Sheegtay In Sanadkan 2017 Ay Soomaaliya Dib Ugu Celisay 521 Oo Qof Taas Oo Ka Badan Sanadkii Hore Ee 2016 Oo Uu Mareykanka Ku Soo Celiyay Soomaaliya 198 Qof Oo Soomaali Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.