Haweeney Caawa Lagu Dilay Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

11 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Kooxo Hubeysan Ayaa Caawa Fiidkii Waxaa Ay Haweeney Ku Dileyn Xaafad Ka Tirsan Degmada Dharkenley Ee Gobolkan Banaadir Gaar Ahaan Meel Aan Ka Fogeyn Xarunta Macalin Nuur Ee Degmadaas.

Goobjoogayaal Ayaa Waxa Ay warqaat.com U Sheegeen In Haweeneyda Oo Aheyd Ganacsato Ay Dhowr Xabadood Ku Dhufteyn Rag Bustoolado Ku Hubeysnaa,Isla Markaana Ay Goobta Ka Baxsadeen.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya Ayaa Gaaray Goobta Uu Dilka Ka Dhacay Sida Caadada Aheyd,Iyaga Oo Halkaasi Ka Sameeyey Howlgallo Lagu Soo Qabtay Dhalinyaro Lagu Tumayo Dilkaas.

Macada Sababta Loo Dilay Haweeyneydaas Iyo Cidda Ka Dambeysay Dilkaas,Welina Kama Hadlin Maamulka Degmada Dharkenley Ee Gobolkaan Banaadir.

Muqdisho Ayaa Mar Walba Waxaa Ka Dhaca Dilalka Qorsheysan Oo Ay Sheegtaan In Ay Ka Dambeeyeen Al-Shabaab,Waxana Bar Bar Socda Howlgallao Amni Xaqiijin Ah Oo Ay Wadaan Ciidamada Amniga Soomaaliya.