Harry Kane Oo Rikoor Cusub U Dhigay Xalay Tartanka Champions League…

22 total views, 2 views today

Harry Kane Ayaa Mar Kale Ku Taariikhda Rikoorka Tartamada Yurub Isku Qoray Kadib Markii Uu Gool U Dhaliyay Kooxda Tottenham Oo Barbaro 2-2 Lasoo Gashay Juventus.

Wiilasha Mauricio Pochettino Ayaa 10kii Daqiiqo Ee Ugu Horeysay Ciyaartii Torino Hogaanka Loogu Qabtay 2-0, Iyadoo Gonzalo Higuain Uu Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Kane Ayaa Gool Usoo Celiyay Kooxda Ka Dhisan Waqooyiga London, Iyadoo Gianluigi Buffon Uu Kubad Qurux Badan Daba Mariyay Daqiiqadii 35aad Ee Ciyaarta.

Christian Eriksen Ayaa U Xaqiijiyay Spurs In Ay Barbaro Hesho Lugta Koowaad Kadib Markii Uu Laad Xor Ah U Dhaliyey Kooxdiisa Daqiiqadii 71aad.

Kane Wuxuu Noqday Ciyaaryahankii Ugu Horeeyay Ee Taariikhda Dhaliya Sagaal Gool Sagaalkiisa Kulan Ee Ugu Horeya Tartanka Champions League.

Kane Ayaa Jabiyay Rikoorkii Ronaldinho, Simone Inzaghi, Didier Drogba Iyo Diego Costa Kuwaasoo Min 8 Gool Ka Dhaliyay Sideedoodii Kulan Ee Uguhoreysay Tartabkaan.