Hanti Dhowrkii Hore Ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale “Ra’iisul Wasaaraha Wuu Ilduufay, Akoonka Dowladda Waxaa Ku Jirtay Shan Milyan”

24 total views, 2 views today

Hanti Dhowrkii Hore Ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Oo Horay Xilka Looga Qaaday Dil Ilaaladiisa Ay U Geysteen Wasiirkii Hore Ee Howlaha Guud Ayaa Beeniyay Hadal Dhowaan Ka Soo Yeeray Ra’iisul Wasaare Kheyre, Kaasoo Ahaa In Xilligii Dowladda Xilka La Wareegeysay Ay Qasnada Dowladda Wax Lacag Ah Ku Jirin.

Nuur Faarax Oo Wariyeyaasha Kula Hadlayay Magaalada Muqdisho Ayaa Sheegay In Ra’iisul Wasaaraha Uu Ka Been Abuuray Dowladdii Hore, Isla Markaana Qasnada Dowladda Ku Jirtay Markii La Doortay Farmaajo Lacag Gaareysa 5-Milyan Oo Dollar.

“Ra’iisul Wasaaraha Wuu Qaldamay Ma Dhihi Karo Wuu Ilduufay, Lacagtaas Shan Milyan Iyo Waxoogaa Ayay Aheyd, Qasnada Dhexe Ayay Ku Jirtay, Maalinkii Madaxweynaha La Doortay Maalintii Ku Xigtay Ayaa Wrabixin Ka Siiyay, Markii Uu Xilka La Wareegayna Warbixin Ayaa Ka Siiyay”Ayuu Yiri Nuur Faarax.

Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay Inuu Markii Uu Xafiiska Joogay Warqad U Qoray Bankiga Dhexe, Kuna Amray In Aan Wax Lacag Ah Laga Bixin Karin Qasnada Dowladda.

“Anigoo Xafiiska Markaas Maamulayay Waxaa Ka Mid Ahaa Raggii Xisaabaadkii Socday Ee Dowladdii Hore Gacanta Ku Hayay, Ayaa Warqad U Qoray Bankiga Dhexe, Waxba Lagama Bixin Karo Ayaa Dhahay, Illaa Madaxweynaha Cusub Uu Xilka La Wareegay, Wuxuuna Xilka La Wareegay Qasnada Dowladda Oo Ku Jirta Lacag Dhan Shan Milyan Oo Dollar”Ayuu Yiri Hanti Dhowrkii Hore Oo Intaa Ku Daray Inay Hayaan Caddeymo.

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti Ayaa Isagoo Ka Jawaabayay Hadalkii Ra’iisul Wasaaeaha Waxaa Uu Sheegay In Markii Xilka Uu Wareejinayay Ay Qasnada Dowladda Ku Jirtay Shan Milyan Iyo Waxoogaa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Khudbad Ka Jeedinayay Maalmo Ka Hor Munaasabad Lagu Soo Bandhigayay Waxqabadka Xukuumaddiisa Ayaa Ku Faanay In Markii Xilka Loo Magacaabay Aysan Qasnada Dowladda Wax Lacag Ku Jirin, Balse Haatan Qasnada Ku Jirto Lacag Ka Badan 30-Milyan Oo Dollar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.