Haddii xoriyada lagaa qaado ma isku furan laheyd lacag ka badan hal bilyan oo dollar?…

27 total views, 3 views today

Iyadoo In Ka Badan 200 Oo Qof Oo Isugu Jira Amiirro Iyo Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Sacuudiga Bishan Lagu Soo Qabqabtay Hawlgal Ka Dhan Ah Musuqmaasuq Ayaa Hadda Qaarkood Xabsiga Laga Sii Daayay.

Qofka Ugu Magaca Weyn Dadka Hadda Xabsiga Laga Sii Daayay Ayaa Ah Amiir Lagu Magacaabo Miteb Oo Labo Usbuuc Ka Hor Markii La Soo Qabanayay Laga Xayuubiyay Xilka Madaxa Ilaalada Qaranka.

Xarigga Miteb Oo Tan Iyo Afartii Bishan Lagu Hayay Hoteelka Weyn Ee Ritz Carlton Ayaa Ahaa Mid Ka Fajaciyay Dad Badan Maadaama Uu Ahaa Madaxa Ilaalada Qaranka, Xilkaasoo Ahaa Mid Aad Muhiim Ugu Ah Amniga Boqortooyada.

Waxaa Sidoo Kale Loo Arkayay In Uu Noqon Doono Boqorka Mustaqbalka Ee Dalkaasi.

Sarkaal Ka Tirsan Dalka Sucuudiga Ayaa Sheegay In Amiirkani Uu Ogolaaday In Uu Bixiyo Lacag Ka Badan Hal Bilyan Oo Doolar Si Uu Xorriyaddiisa Uu Dib U Helo.

Saddex Qof Oo Kale Ayaa Sidoo Kale La Sheegayaa In Xabsiga Laga Sii Daayay.

Dhammaan Shakhsiyaadkani Ayaa Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Kala Geddisan Oo Qaarkood La Sheegay In La Geystay Tobanaan Sano Ka Hor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.